Shir Ku Saabsan Dowlad Wanaagga Iyo Is-Xisaabtanka

WhatsApp Image 2026-04-18 at 2.15.51 AM (2)

D.W.F  Oo Ka Qayb-Gashay Shir Ku Saabsan Dowlad Wanaagga Iyo Is-Xisaabtanka

Hay’adda Daryeelka Naafada ee Disable Welfare Foundation (DWF) ayaa ka qayb-gashay shir labo maalmood socday (14–15 Abril), kaas oo looga hadlayay xoojinta dowlad wanaagga iyo doorka ay bulshada rayidka ah ku leeyihiin kormeerka hay’adaha dowladda.

Shirkan muddadii uu socday, DWF waxay xoojisay kaalinteeda ku aaddan:

  • Hufnaanta iyo Isla-xisaabtanka:In si dhow loola socdo shaqada hay’adaha dowladda.
  • U Qareemidda Dadka Naafada ah:In dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan matalaad dhab ah iyo in laga qayb-geliyo go’aanada masiiriga ah.
  • Xoojinta Bulshada:In dadka nugul la siiyo cod ay ku saameeyaan hannaanka maamulka dalka.

DWF waxay mar kale caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah iyo horumarinta maamul ku dhisan hufnaan.

Scroll to Top